Inbadan ayaan ku fakarayay sameynta Page ama Blog aan ku soo qoro dhacdooyin kala duwan oo xiisa leh oo isugu jira Siyaasad, Dhaqaale, arimo Nolosha ku saabsan iyo wax walba oo aan u arko iney muhiim u tahay aqristayaasha Sharafta leh.
Inkastoo laga yaabo in fursada oo mararka qaar igu yar ay suurtoobi weyso inuu noqdo mid update ah hadana dadaalkeyga uma yareysan doono sidii aan ugu hagarbixi lahaa bulshada wax aqrisa ee ka daashay beenta iyo wararka aan xaqiiqda ah ee Webseedyada qaar soo gudbiyaan amaba guud ahaan ka daashay ka hadalka Siyaasad oo qur ah.
Waxaan aad idinka codsanayaa in wixii talooyinkiina ah aad iisoo gudbisaan cidii qoraal Bulshada qiime uleh u haysa ee rabta iney la wadaagtana waan usoo gudbin doonaa oo halkan ugu soo bandigi doonaa insha ALLAH.