Sunday, June 11, 2017

Maxaa noo dan ah?

Waxaa qalalaase siyaasadeed uu ka dhex oogan yahay dalalka Khaliijka ka gadaal markii Dowladda Boqortooyada Sacuudigu ay xiriirkii diblumaasiyadeed iyo kii ganacsiba u jartay waddanka yar ee ay deriska yihiin ee Qadar. Tallaabadaas ayaa waxaa islamarkii Sacuudiga ku taageerayo dalal kale oo carbeed sida Masar, Imaaraadka iyo Baxreyn. Dalal kale sida Urdun iyo Jabuuti oo iyaguna ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa hoos u dhigay wadashaqeyntoodii dalka Qadar.

Soomaaliya oo dhinacna aan la safan:
Dowladda Soomaaliya ee cusub ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay ku caddeysay mowqifkeeda oo ay ku sheegtay mid ay kaga xun tahay xaaladdan soo wajahday dalal walaalo ah. Waxaa ayna ku baaqday iney qeyb ka qaadaneyso dadaalka socda ee xaaladda jirta lagu qaboojinayo.

Taa ayaa waxaa cirka sii geliyay ka dib markii diyaaradaha ay leedahay Qadar ay u wareegsadeen isticmaalka hawada Soomaaliya oo aysan hore u mari jirin maadaama dalalkii kale ee ay hawadooda isticmaali jireen loo diiday.

Waxaa jirtay kulan hore loogu ballansanaa in Sacuudiga iyo Soomaaliya wasiiro ka socda ay ku kulmaan Jidah oo Sacuudiga ah si ay u wada saxiixaan heshiis ay Sacuudigu balaayiin doolar ku maalgelinayaan Soomaaliya. Heshiiskan oo ay hore uga wada hadleen boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa mudadii loo madlanaa waxaa ay kusoo aaday waqtigan oo siyaasadda khaliijku kacsan tahay Sacuudiguna uu doonayo dowlado cusub oo carbeed oo arinkan ku gacansiiya. Taa ayaana keentay iney Dowladda Soomaaliya u diidaan mashaariicdii iyo lacagtii ay u ballanqaadeen illaa ay dowladda Soomaaliya xiriirka u jareyso dalka Qatar.

Maxaa dan u ah Soomaaliya:

Runtii waa imtixaan adag oo dowladda cusub ee Soomaaliaya soo wajahay. Ma ahan arrin iska sahlan oo maalin gelinkeed la isaga dhawaaqi karo go'aan la mid ah kii Iiraan ama hay'adhii Dowladda Turkigu codsatay in laga saaro dalka. Go'aan ka gaarista arrintan cusub waxay kaga duwan tahay go'aannadaas hore saameynteeda ayaa ah mid adag oo mustaqbalka raad adag yeelan karta.

Tan koowaad waa Sacuudiga iyo wadamada kale ee la safan oo istiraatiiji ahaan u muhiim ah dalka Soomaaliya marka la eego xagga ganacsiga iyo wax wada qabsiga. Sacuudiga ayaa loo dhoofiyaa xoolaha ugu badan ee Soomaaliyeed inkasto waqtiyada qaar ay iska diidaan xooleheenna iyagoo ku sheega iney cudurro qabaan. Sidoo kale xagga taageerada laga filan karo in Sacuudigu ay ku biixyaan Soomaaliya. Waxaa intaas sii dheer in dalka Imaaraatka ay Soomaali badan ku leeyihiin ganacsiyo waaweyn oo haddii go'aan ka dhan ah xulufada Sacuudiga la qaato ay suurtogal tahay iney taasi saameyso.

Arrinta Qadar ayay khubaradu leeyihiin ma ahan mid sahlan oo dowladda Soomaaliya ay si fudud u goyn karto dhowr arrin oo isbiirsaday awgeed. Waa midda koowaade iyadoo la taliyeyaasha sarsare ee madaxweynaha siiba Fahad Yaasiin oo ah agaasimaha Madaxtooyada uu xiriir dhow oo aad u fog ka leeyahay boqortooyada Qadar si gaar ahna loogu tilmaamo inuu xagga dhaqaalaha ka taageerayay ololihii Farmaajo. Tan labaad ayaa ah in Qadar ay sidoo kale dhaqaale ku caawiso dowladda Soomaaliya. Waxaa intaas u sii dheer in Qadar ay saaxiib dhow la tahay dalka Turkiga oo Soomaaliya abaal weyn u galay islamarkaana xiriir qoto dheer kala dhexeeyo Soomaaliya.

Arrimahaas oo dhan ayaa ka dhigaya go'aan ay qolyaha ishaya dhan kula safato dowladda Soomaaliya in go'aankeedu uunan noqon doonin mid sahlan haddiiba ay noqoto iney dib uga laabato go'aankii hore ee ay ku iclaamisay iney dhexdhexaadinta labada ishaya ka qeybgeli doonto.

Waxaa socda olole balaaran oo ay Sacuudiga iyo Qadar labaduba ku doonayaan iney kusoo jiitaan Soomaaliya. Maanta waxaa gaaray Magaalada Muqdisho wafdi uu hogaaminayo wasiiru-dowlaha Arimaha Debedda ee Dalka Qadar oo Dowladda Soomaaliya ku cadaadinaya iney ku adkaystaan go'aankooda ay dhexdhexaadnimada ku muujinayaan. Halka Dowladda Sacuudigu ay illaa haatan cadaadis ku saareyso Dowladda Soomaaliya iney xiriirka u goyso dalka Qadar.